Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay iskaashiga dhaqaale ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda.

Muqdisho (Halqaran.com) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Yugaandha.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.

Madaxweynaha ayaa xusay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yugaandha , kaasi oo ku salaysan Taariikhda aan wadaagno iyo danaha innaga dhexeeya, sare u qaadidda cilaaqaadkaasi ayuu sheegay inay ka tarjumeyso dareenka Afrikaannimo iyo kan walaaltinimo ee dalalka bariga Afrika.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dalka ayaa ka mahadceliyay doorkii ay Dowladda Yugaandha ka qaadatay la dagaallanka Ururka Alshabaab iyo Daacish, isagoo sheegay inay taasi abaal weyn ugu hayaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku fiican yihiin ganacsiga, sida warshadaha, dhulka, is-dhaafsiga badeecooyinka,wax soo saarka iyo kobcinta dhaqaalaha, dadka reer Yugaandhana ay kusoo dhoweynayaan.

Dhinaca kale Soomaaliya iyo Yugaandha ayaa dhowaan gaaray heshiis iskaashi ganacsi ah, kaas oo wax badan ka tari doona sare u qaadidda dhaqaalaha labada dal, mashaariicda maalgashi iyo shaqa abuurka bulshada labada dal.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...