Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dalka +(SAWIRRO)

Muqdisho(Halqaran.com) –Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Xamse Cabdi Barre .

Xamza Cabdi Barre ayaa  ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee dalka, kaasi oo ka soo galay Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul-wasaare Xamse ayaa magacaabistiisa kaddib sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isagoo sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalkana nabad ku soo dabaasha, waxna ka qabata Amni darrada.

Xamse Cabdi Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada Jubbaland doorashadii lagu doortay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe sanadkii 2019.

Sido kale Xamse ayaa horey u soo noqday xoghayihii xisbiga madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhexeeyay 2011-2017, wuxuu sidoo kale soo noqday la taliyaha wasaaradda arrimaha Dastuurka,Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa aas-aasayaasii Jaamacadda Kismaayo, isaga oo kasoo noqday macallin iyo guddoomiye ku-xigeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...