Monday, May 4, 2026
30.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo u Ambabaxay Dalka Cumaan

Muqdisho (Halqaran.com)- Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta u ambabaxay dalka Cumaan, si uu uga qeyb galo tacsida qaran ee u taala shacabka iyo saldanada Cumaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Marka uu tago madaxweynaha Soomaaliya dalka Cumaan ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi iyo madaxda kale ee ka qeyb galaya tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda Cumaan.

Allaha u naxariistee maalmo kahor waxaa geeriyooday Suldaankii Cummaan oo lagu magacaabi jiray Suldaan Qaabuus Bil Saciid, waxaana lagu wadaa in dalkaas ay gaaraan Madax kale oo ka qeyb galeysa tacsida qaran ee Suldaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...