Monday, May 4, 2026
30.9 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo Macallimiin ku laayay gudaha dalka Kenya & Wararkii ugu dambeeyay

Gaarisa (Halqaran.com) – Booliska Kenya ayaa sheegay in dabley la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay maanta saddex macallin ku dileen dugsi hoose oo ku yaalla bariga dalkaas.

Waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay macallin afaraad iyo qof ilaalo ahaa.

Kooxdan ayaa sidoo kale ku gubay xarun boolis, islamarkaana ku waxyeeleeyey anteeno taleefon weerarkan oo ka dhacay magaalada Kamuthe, oo 40km koonfur kaga beegan magaalada Gaarisa.

“Qiyaastii labadii subaxnimo, koox hubeysan oo la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray dugsiga hoose ee Kamuthe, xarunta booliska Kamuthe, iyo anteeno taleefon, waxayna dileen saddex macalin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska.

Warbixin kale oo booliska ay soo saareen oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in saddexda macallin ee la dilay aysan deganeyn gobolka.

Kooxda weerarka fulisay ayaa sii daayey kalkaaliso caafimaad, sababtuna ay tahay inay ahayd haween.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay goor dambe soo saartay si rasmi ah ugu sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Tan iyo bilowgii sanadkan, kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka fuliso Bariga dalka Kenya ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya, waxaana heegan sare la geliyey booliska.

Shantii Janaayo, kooxdan ayaa weeraray saldhigga militariga Mareykanka ee Manda Bay oo ku yaalla gobolka Lamu, ayaga oo dilay saddex qof oo Mareykan ah, islamarkaana buburiyey dhowr diyaarad.

Laba maalmood kadib waxay afar qof, oo uu ku jiro ilmo yar, ku dileen weerar ay ku qaadeen anteeno taleefon oo ku taalla Gaarisa.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saareen Arbacadii ka digay in Kenya “aysan marnaba ammaan noqon doonin”, ayaga oo u hanjabay dalxiisayaasha iyo danaha Mareykanka ee dalkaas.

Waxay Kenya u sheegeen inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, inta ay weli “haysato fursad”

Xigasho – VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...