Muqdisho(Halqaran.com) –Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan abaaraha ba’an ee ku dhuftay dalka ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha.
Farmaajo ayaa tilmaamay in qaybo badan oo dalka ka mid ah ay ku habsadeen Abaaro ba’an oo galaaftay naf iyo maal ba, sababayna xaalad bini-aadannimo oo degdeg ah, isaga oo faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yihiin gobollo badan oo ka tirsan Dalka.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo ka damqanaya xaaladda dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen uu dhiirri gelinayo in la garab istaago dadka tabaalaysan ee waxyeelladu ay ka soo gaartay abaaraha jira.
“Wakhtigan adag, waxaa la inooga baahan yahay in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan gaajada iyo biyo la’aanta ah. Waxaa kale oo muhiim ah in aynu badinno Alle bariga iyo Roobdoonta, waxaanna rajaynayaa in dalka oo idil aynu ku qabanno Roob-doon mideysan.”
Madaxtooyadda ayaa sheegtay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu deeqay Mushaharkiisa Madaxweynenimo ee Bilaha Nofeembar iyo Diseembar howlaha gurmadka dadka Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha ka jira Gobolada dalka.
Farmaajo oo bogaadiyey abaabulka xooggan ee Golaha Xukuumaddu ay bilaabeen si wax looga qabto dhibaatada ay sababeen Abaaruhu, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaataysan, wuxuuna ka codsaday dhammaan shaqaalaha Rayidka ah iyo kuwa gaarka ahba in ay qaataan door la mid ah kii ay Golaha Xukuumaddu 20% ugu jareen Mushaharkooda gurmadka Abaaraha.
Ugu Dambeytii Gobolada dalka ayaa waxaa ka jira abaaro baahsan iyo biyo la’aan oo saameeyay dadka iyo duuniyada, iyadoona abaarta ay dad ugu geeriyoodeen Gobolka Gedo, waxaana sidoo kale abaarta ku le’day xoolo farabadan oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





