jowhar(Halqaran.com) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta casuumaad qado sharaf ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee shalay lagu doortay Magaalada Jowhar.
Guudlaawe ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Xildhibaanada cusub ee la doortay shaley, isagoo kula dardaarmay ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
Xildhibaanada oo lagu doortay magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ah, Khadiijo Maxamed Diiriye, Yuusuf Kabaale, Dahabo Suusow Maxamuud, Maxamed Cumar Ceeymoy, Farxiyo Maxamuud Dhaqane iyo Maxamuud Maxamed Jimcaale.







Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





