Marka(Halqaran.com) –Qaraxa aad u Xooggan oo siweyn looga maqlay jugtiisa Xaafadaha ay ka koobantahy Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu ka dhacay Irida hore ee Garaash weyn oo lagu Magacaabo Cawaale oo kuyaalla dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska Magaaladaasi.
Qaraxa ayaa waxaa ay ku sheegeen Booliska in uu ahaa miino nooca so boodayda ah taa oo la dhigay iridka garaashka kaasi oo markii dambe qarxay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxan uusan geysan wax khasaare nafeed ah, balse uu dhaliyey burbur aad xoogan oo u ugeystay goobihii ka akdhawaa.
Sido kale waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka howl-gala magaalada Marka, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban oo lagu xaqiijinayay amaanka.
Garaashka oo ay hormarto wadada halbowlaha ah ee soo gasha Magaalada Marka lagana raaco Gaadiidka soo aada Muqdisho ayaa Afar Bilood ka kor uu ka dhex dhacay qarax ku geeriyooday Nin la sheegay in Gudaha qaraxa ku diyaarinayay.
Abdifatah Hassan Hussein
Xafiiska Wararka Halqaran, Marka
Halqarannews@gmail.com





