Thursday, May 28, 2026
26.6 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland ‘Deni‘ oo kulan muhiim ah la qaatay Wasiir ka tirsan dowladda Itoobiya

Addis Ababa (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caasimadda dalka Itoobiya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Itoobiya Axmed Shide.

Soo dhoweyn iyo is-xog waraysi kadib, Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhaweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Waxaana uu Madaxweynuhu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya Amni iyo horumar.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga ganacsi, amni, horumar iyo deris wanaag ee ka dhexeeya labada dhinac.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...