Thursday, May 28, 2026
26.4 C
Mogadishu

Carruur lagu biirin rabay Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay, sidee ku suurta-gashay?

Siaya (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay badbaadiyeen shan carruur ah oo la doonayay in lagu biiriyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Gobolka Siaya ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Siaya Michael ole Tialal, ayaa sheegay in shanta Carruurta ah laga hortagay in ay ku biiraan Al-Shabaab, kaddib markii la helay xog la xiriirta in halkaas lagu qorayay.

Hay’addaha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay laba nin oo midkood deggan yahay Busia looga shakiyay in ay arrintan ka shaqeynayeen baaaritaanna ku socdo.

Michael ole Tialal, ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale Hay’adaha sirdoonka Kenya ay ka warhayaan laba Carruur ah oo sanadkii hore u baxsaday dalka Tanzania kuna biiray Al-Shabaab.

Shanta carruurta ah ee la badbaadiyay ayaa waxaa lagu qabtay Gobolka Homa Bay, iyaga oo ku wajahnaa Soomaaliya.

“Ninka la tuhmayo in uu Al-Shabaab Dhallinyarada uga qoro degaankaas ayaa sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka, waxaa uu tababar u aaday Soomaaliya kaddibna dib uyuu ugu laabtay Kenya isaga oo qaabilsan qoridda dhallinyarada.” ayuu yiri Guddoomiye Tialal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...