Thursday, May 28, 2026
26.4 C
Mogadishu

Muqdisho: Amarro cusub oo lagu soo rogay Koontaroollada Villa Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Amaro cusub ayaa lagu soo rogay Koontaroolada laga illaaliyo ammaanka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, kadib weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Syl ee Muqdisho.

Amaradaan oo maanta lagu arkay baraha Koontaroolada ee Madaxtooyadda ayaa masuuliyiinta waxaa loo sheegayaa in ciidamada illaalada u ah inay ku reebaan Barta Koontaroolka baarista ee Madaxtooyadda.

Kaliya waxaa la ogol yahay in ciidamadooda ay la gudbaan Wasiirada, Wasiir Ku xigeenada iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida iyo Ku xigeenadooda, waxaana la diiday dadka intaasi ka sokeeya in ciidankooda ay la gudbaan.

Baraha Koontaroolada ee ay joogaan Ciidamada illaalada Madaxtooyada, ayaa waxaa lagu arkayaa Askar badan oo fadhida halkaasi, maadaama loo diiday inay u gudbaan dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Lama oga sida amarkaan uu ku dhaqan geli doono, maadaama ay jiraan masuuliyiin kala duwan oo xilal ka haya dowladda, kuwaasi oo wata ciidan illaalo hubaysan, islamarkaana isticmaala marinka madaxtooyadda.

Tani ayaa u muuqata caqabad cusub oo ku soo korodhay hanaanka suggida ammaanka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya oo cabsi Shabaab laga qabo awgeed amaradan loo soo saaray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...