Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Mareykanka oo hanjabay inuu bur-burinayo dhaqaalaha dal Muslim ah

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan hor is-taagi doonin Turkish-ka oo la filayo inay weeraraan Kurdish-ka Syria, hase yeeshee waxa uu ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga, haddii ay ku fogaadaan.

“Haddii ay sameeyaan wax aan rumeysannahay inaysan ahayn bani’adamnimo” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha, “waxaa asiibi doona dhaqaale burbur iyo carro.”

Xulufada Jamhuuriga ee madaxweynaha ayaa aad uga carrooday go’aanka Trump ku cidleeyey Kurdish-ka Syria, kuwaas oo ciidamada Mareykanka la galay dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish.

Mid ka mid taageerayaasha ugu daacadsan Trump ee ku jira Senate-ka Mareykanka ayaa go’aanka madaxweynaha ugu yeeray mid “aragti gaaban iyo mas’uuliyad darro.”

Senator Lindsey Graham oo barnaamijka Fox & Friends uu weydiiyey haddii uu taageersan yahay go’aanka madaxweynaha ayaa yiri “marnaba maya,” isaga oo sheegay in tallabaadan “ay guul weyn u tahay Daacish.”

Graham ayaa sheegay in Kurdish-ka ay la safan doonaan madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad, sababtoo ah ma haystaan waddo kale. “Sidaas darteed tani waa u guul Iran iyo Assad.” Ayuu yiri.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...