Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Gudoomiyaha G/Banaadir oo kulan la yeeshay Wakiilka Q.M ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maanta uu kulan muhiim ahaa la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya, isagoona yiri “Waxaan maanta kulan muhiim ah la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliya, Mr. James Swan.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in kulanka uu guul ugu soo dhammaaday, ka dib markii ay kaga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amniga Caasimadda iyo kordhinta taageerada Qaramada Midoobey.

“Kulanka oo guul noogu soo dhammaaday ayaa waxaan kaga wada hadalnay xoojinta amniga caasimadda iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada Qaramada Midoobey ee horumarinta sida dhismaha wadooyinka, kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakacayaasha.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkan ku sheegay qoraal la soo dhigay barta Maamulka Gobolka Banaadir uu ku leeyahay shabakadda bulshada xiriirisa ee Facebook.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...