Baydhabo (HalQaran.com) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) kulan la qaatay saraakiisha sarsare ee lamaha ammaanka gobolka Bakool, kaasi oo looga hadlayey xoojinta ammaanka degmooyinka gobolkas.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka ammniga maamulkaas, taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60 aad, taliya ciidanka darawishta koonfur Galbeed iyo saraakiil ka socotay ciidanka AMISOM.
Inta uu socday shirka waxaa la isku dhaafsaday fikrado kala duwan oo lagu xoojinayo la dagaalanka Al-Shabaab, kaasi oo la doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan Al-Shabaab looga saaro goobaha ay kaga suganyihiin guud ahaan Koonfur Galbeed.
Shirka inta uu socday waxaa warbixino ku aaddan ciidanka xoogga dalka qeybta 60 aad laga dhegeystay taliyaha guutada, wuxuuna taliyuhu hoosta ka xarriiqay in uu ciidanka ay haatan abaabulayaan howlagallo lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gobollada uu ka arrimiyo ka wada qorshayaal uu doonayo in uu dib ugu furo waddooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas oo qaarkood ay jidgooyooyin u yaallaan Al-Shabaab.
Xafiiska HalQaran.com, Baydhabo
halqarannews@gmail.com