Wednesday, March 25, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Wakiilka QM ee Soomaaliya kala hadlay arrimo muhiim ah

Kismaayo (HalQaran.com) – Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Mudane Axmed Madoobe oo ay wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo mas’uuliyiinta Madaxtooyada, ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo la xiriira xaalada guud ee dalka.

Kulanka ayaa loogo hadlay arrimaha amniga iyo bilowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada oo diyaar garoowgiisu uu maraya meel gabagabo ah, xasilinta deegaannada laga xorreeyay argagixisada Al-Shabaab iyo gaarsiinta gargaarka dadka ku tabaalaysan masiibooyinka dabiciiga ah iyo isbadalka cimilada adduunka.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay heshiiska Madasha Wadatashiga Qaranka ee dalka loogu jiheeyay Doorasho dadweyne Sanadka soo socda iyo tageerada beesha Caalamka ee dhinacyada kala duwan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha uga mahadcelisay soo dhawaynta diiran oo ay kala kulan tay Dowladda Jubbaland, iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay timaado Jubbaland oo ay ugu danbaysay sanadkii 1992dii isla markana ay ku aragtay isbadalo badan oo dhinaca hormarada ah.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u mahadceliyay Danjire Catriona Laing iyo wafdigeeda booqashada ku yimadeen Jubbaland, isagoo xusay in wada hadalo miro dhal ah ay ka yeesheen dhinacyo badan.

Wuxuu ugu dambeyn xusay Axmed Madoobe in dagaalka Al-Shabaab ee Wajiga labaad si fiican loogu diyaar garoobayo, isla Markana dhawaan uu bilaabanayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...