Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya ‘Farmaajo’ oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan

Madaxweynaha JF Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Aadan Cali Xasan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxwyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumka oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door wanaagsan ka qaatay dib u habeynta hannaanka dhaqaalaha dalka, muddadii uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka, islamarkaasna uu ugu shaqeeyey dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed hufnaan, wadaniyad iyo daacadnimo.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Aadan Cali Xasan waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...