Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Dalka Jabuuti& Ra’isul wasaariyaasha Ethiopia & Masar oo ka Soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com)-Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow kasoo degay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, isagoo ka mid ah wafuuda heerka caalami ah ee ka qeyb galeysa Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

madax kale ayaa la filayaa inay soo gaareen magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu casuumay munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Xasan Shiikh, iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku sugan yihiin Masuuliyiin kala duwan oo u diyaarsan soodhaweynta wafuuda.

 

Sido Kale Ra’iisul Waaaare Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada Xilgaarsiinta ayaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli  oo ka mid ah madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa caleemo-saarka Madaxweynaha JFS Xasan Sheikh Maxamuud.

Wufuud ka kala socota dalalka Caalamka iyo kuwa kale ayaa kusoo qul-qulaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...