Wednesday, March 25, 2026
27.5 C
Mogadishu

Maamulka Goboleedka Galmudug oo soo bandhigay Ajaanibtii ay ka qabteen Xeebta Magaalada Hobyo.

Hobyo (Halqaran.com) –Wararka Aan Ka heleyno  gobolka Mudug ee Maamul Gobaleedka Galmudug, ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee Maamulkaas ay soo xireen 20 nin oo ajnabi ah, kuwaas oo laga qabtay meel 60 km u jirta degmada xeebta ku taalla ee magaalada Hobyo.

Maamulka magaalada Hobyo, ayaa sheegaya in raggaasi haatan lagu hayo saldhiga magaalada, isla markaana ay socoto baaris dheeraada oo lagu ogaanayo xogtooda.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee Gobolka Mudug Cabdullaahi Axmed Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragga oo kasoo kala jeeda Iiraan iyo Pakistan aan wax hub ah wadin ay baaritaano ku hayaan, isla markaana ay kala cadeyn doonaan dhawaan waxa ay yihiin.

Ajaaniibtaan oo kalluumeysato ahaa Sida la sheegay siddeed sano kahor waxaa afduub u geystay koox burcadbadeed ah, waxaana kadib kala sii wareegtay Al-Shabaab.

“Laamaha ammaanka ayaa wali ku jira baaritaanka raggaan, waxa ayna dowladda Galmudug ku wareejin doontaa eheladooda marka uu baaritaanka dhammaado oo ay caddaato in ay yihiin maxaabiis u xirnaa argagaxisada.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa Xilli guud ahaan Goballada Dalka ay ka socdaan dagaal ka dhan ah Ururka Alshabaab, kuwaas oo ay hor kacayaan Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...