Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo Sheegay in waddankiisa uu ka dhigaayo Wadanka ugu Awooda badan Caalamka!

Kuuriya(Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadafkiisa ugu dambeeya uu yahay in uu yeesho quwada ugu weyn ee Nukliyeerka caalamka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Hadalka Kim ayaa yimid xili uu ku guda jiray munaasabad uu ku dalacsiinayay saraakiil ciidan ah oo ka qeyb qaatay tijaabinta gantaalkii ugu weynaa ee taariikhda dalkaasi soo mara.

Hadalkaan ayaa sidoo kale imaanaya wax ka yar laba toddobaad ka dib markii hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu ka qayb galay tijaabada gantaalka ballistic-ga ee nooca Hwasong-17.

Waxaa uu sidoo kale xilligaasi ballan-qaaday inuu ka hortagi doono hanjabaadaha Nukliyeerka ee Maraykanka isga oo isticmaalaya hubka nukliyeerka.

Kim waxa uu sheegay intii ay socotay xafladda dalacsiinta saraakiisha ciidamada in dhismaha awoodda Nukliyeerka looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo sharafta iyo madaxbannaanida dalka iyo dadka. Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay tiradii ugu badneyd ee gantaallada dabayaaqadii October iyo horraantii Novembar ee sanadkan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com