Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Maamulka G/Banaadir iyo laamaha Amniga oo Ka Shiray Suggida Amniga Maalmaha Xurriyadda.

Muqdisho(Halqaran.com) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya,ee 26 june iyo 1 da Luulyo.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ee Maamuka Gobolka Banaadir,iyo Taliyeyaasha Laamaha Amaanka ee Qeybta Guud Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Sido kale Shirkaan ayaa ahaa mid uu Duqa Magaalada Muqdisho ku farayay Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Saraakiisha laamaha Amniga sidii ay ugu diyaar garoowi lahaayeen Xuska Maalmaha Qaran ee 26 June iyo 1 da Luulyo, isla Markaana loo wacyigelin lahaa Bulshada ku dhaqan Caasimada lana gaarsiin lahaa fariinta Duqa Magaalada. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Dowladda Hoose.

Sidoo kale Maamulka Gobalka Banaadir ayaa soo jeediyay in laga wada qeyb-qaato xuska Todobaadka Xorriyadda iyadoo la fulinayo Awaamiirta Maamulka Gobolka Banaadir ee ah in Astaanta Qaranka la suro Guryaha iyo Goobaha Ganacsi ee saaran Wadooyinka waaweyn ee Magaalada iyo sidoo kale in laga wada shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimada.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magacaabay Guddi Heer Gobol oo isugu jira Guddoonka Maamulka Gobolka, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayna hogaamineyso Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti).

Sido kale Xubnahaaan uu magacaabay Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka shaqeyn doonna Xuska Todobaadka Xorriyadda, isla markaana la fal-geli donna Guddiga Heer Qaran ee Xuska Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda Hoose ee Xamar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...