Ku-simaha Madaxaweynaha Dalka oo kulan la yeeshay Guddoomiye Cali Jeeyte Cismaan(Maxay ka wada hadleen?)

Muqdisho(Halqaran.com) –Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa Guddoomiye Aadan Madoobe uga warbixiyey howlgalada Al-shabaab looga qabsaday deegaano ka tirsan Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, wuxuuna u sheegay inay howlgalada sii socon doonaan.

Ugu dambeyn Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta  ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa boggaadiyay Ciidanka Qaranka oo har iyo habeen u soo jeeda sidii guud ahaan  dalka looga  xorreyn lahaa Al-shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com