Wednesday, March 25, 2026
27.5 C
Mogadishu

Ku-simaha Madaxaweynaha Dalka oo kulan la yeeshay Guddoomiye Cali Jeeyte Cismaan(Maxay ka wada hadleen?)

Muqdisho(Halqaran.com) –Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa Guddoomiye Aadan Madoobe uga warbixiyey howlgalada Al-shabaab looga qabsaday deegaano ka tirsan Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, wuxuuna u sheegay inay howlgalada sii socon doonaan.

Ugu dambeyn Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta  ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa boggaadiyay Ciidanka Qaranka oo har iyo habeen u soo jeeda sidii guud ahaan  dalka looga  xorreyn lahaa Al-shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...