Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

Khayre OO Lakulmay Guddiga Gurmaddka uu shalay magacaabey

Muqdisho(Halqaran)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kulan la qaatay guddiga gurmadka fatahaadaha loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha ka dhashay webiga Shabeelle iyo roobka, ee uu shalay magacaabay .

Guddiga ayaa Ra’liisu Wasaare Xasan Cali Khayre war bixin ka siiyay howlihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay, waxa ayna caddeeyeen in xalay kulan ay yeesheen ay ku sameysteen xeerarkii ay ku shaqeyn lahaayeen, maantana ay Beledweyne gaarsiiyeen laba diyaaradood oo sida gargaar deg-deg ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka iyo in la adkeeyo amniga deegaannada dadku ka bara keceen iyo deegaannada ay ku bara keceenba si bulshadu ay u hesho nabad ay ku noolaato.

Guddiga oo ka kooban siddeed wasiir iyo wasiir ku xigeen ayaa mas’uuliyaddoodu tahay in ay si hufan isugu duba ridaan qorshaha samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee saameynta ay ku yeesheen daadadka ka dhashay roobabka iyo wabiyada karkaarrada jabsaday.

Xafiiska Wararka (Halqaran.com)
HalqaranNews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...