Tuesday, October 28, 2025
27.8 C
Mogadishu

Kenya: 20 ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaan weerar ku dilnay

Mandera  (HalQaran.com) – Ciidamada Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in 20 dagaallame oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhinteen howlgal ay ciidamadeedu ka fuliyeen deegaannada dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Mar ay roondo ka wadeen magaalada Mandheera, cutub gaar ah oo ka tirsan booliska ayaa qaaday weerar gaadmo ah, halkaas oo ay ku dhinteen 20 Al-Shabaab ah, sida ay booliska ku sheegeen boggooda rasmiga ah ee Twitter-ka.

Boolisku waxay sheegeen inay soo furteen hub kala duwan oo laga helay goobta weerarka, kuwaas oo ay ku jiraan qoriga darandooriga u dhaca iyo gantaallada riddada dheer.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, maalmo kadib markii Kenya ay shaaca ka qaaday inuu dib u dhac uu ku yimid qorshaha dib u furista xuduudka la wadaagto Soomaaliya.

Kenya waxay sheegtay inay la tacaalayso weeraro dhimasho badan dhaliyay oo ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay meelo kamid ah waddanka Kenya.

Todobaadyadii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan degaano katirsan Gobolka Waqooyi Bari, taas oo keentay inay Kenya dib u dhigto furitaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...