Wednesday, October 29, 2025
26.6 C
Mogadishu

Kalluumeysato muddo 8 sano Soomaaliya ku xirnaa oo la sii daayay

Muqdisho (Halqaran.com) – 14 Kalluumeysato u dhashay dalka Iran ayaa la sii daayey, kadib, markii Wada-xaajood muddo dheer socday laga galay sidii loo sii dayn lahaa Kalluumeysatadaasi oo sanadkii 2014kii laga qabtay iyagoo ka jillaabanaya Xeebaha Somalia.

Kalluumeysatadaasi waxay dhamaantooda ka soo jeedaan magaalada Chabar ee ku taalla Koonfurta dalka Iran.

Wakaalladda Wararka Iran ee Tasnim News Agency oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qortay in Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran, Xuseen Karaabi ee Gobalka Jabahar Alxura ee dalkaasi uu sheegay in dadaalka lagu sii daayey Kalluumeysatadaasi uu muddo dheer u socday Safaarada Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran ku leedahay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, Mas’uuliyiin Dowladeed iyo Madaxda Odayaasha Dhaqanka, was sida uu Hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray in Kalluumeysatada Iran lagu wado inay caawa oo Axad ah ka degaan Garoonka Caalamiga ee Imam Al-Khumeyni Airport ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Tehran.

Kalluumeysatada waxaa la sheegay inay soo qaaday mid ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha, kadib, markii ay Kalluumeysatadaasi ka  ambabaxeen magaalladda Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...