Wednesday, August 26, 2026
26.9 C
Mogadishu

Jarmalka oo Mallaayiin Dollar ugu deeqay wax ka qabashada abaaraha ka jira Gudaha Somalia.

Muqdisho(Halqaran.com) –Dowladda Germany ayaa 12 milyan oo Yuuro ugu deeqday Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya (SHF), taasoo ka dhigan in uu Jarmalku sannadkan dhaqaale dhan 64 milyan oo Yuuro uu ku bixiyay gargaarka arrimaha bini’aadinimo ee Soomaaliya.

Lacagtan ayaa lagu caawin doonaa dadka si ay ula tacaalaan xaaladaha abaareed ee isisoo taraya. Ku dhawaaqista taageeradan ayaa daba socotay lacag kale oo dhan 7 milyan oo Yuuro oo loogu talagalay hawlaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP).

Jarmalku wuxuu sheegay inuu sii wadayo inuu garab istaago Soomaaliya iyo dadkeeda si loo maareeyo abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha sida ugu macquulsan.

Taageerada dowladda Germany waxay ku soo beegantay waqti aad xasaasi u ah, iyadoo Soomaaliya ay la dagaalameyso abaar ka dib markii ay hoos u dhaceen roobabkii dalka ka da’i jiray.

 

Qaramada Midoobay (QM) ayaa ku qiyaastay in 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar 2022.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...