Muqdisho(Halqaran.com) – Guddiga Maamulka doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay in dib u dhac uu ku yimid doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu waday inay berrito ka dhacdo Magaalada Muqdisho.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in qabashada doorashada afarta kursi ee filayey inay dhacdo berri oo sabti ah la qabanayo maalinta Axada oo ay taariikhdu tahay 19/12/2021.
Halkan hoose ka aqriso:-
“Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland wuxuu ogaysiinayaa in dib udhac uu ku yimid qabashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255, Isla markaana maalinta Axada ee ay bishu tahay 19-Dec-2021 la qaban doono kuraastaas” ayaa lagu yiri war kaso baxay guddiga
Warka ayaa intaasi kusii daray “Waxaan ku war galinayna musharaxiinta u tartamayaa ku raastan in 19-Dec-2021 ay u soo diyaar garoobaan qabashada kuraastas”.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Halqarannews@gmail.com





