Tuesday, October 28, 2025
27.8 C
Mogadishu

In ka badan 2 kun oo Xujay ah oo dalka dib ugu soo noqday

Muqdisho (HalQaran.com) – Xujayda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Xajka ayaa dalka dib ugu soo laabanaya sida uu Warbaahinta dowladda u xaqiijiyey Madaxa hawlgelinta Gudidda Arrimaha Xajka Soomaaliya Mudane Yoonis Cismaan Axmed.

In ka badan 18 duullimaad ayaa ka soo degay Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya kuwaas oo siday 2000, laba kun oo xujay Soomaaliyeed ah, iyadoo sida qorshaha yahay maalmaha fooda nagu soo hayo la soo dhamaystiri doono soo guryo noqoshada xujayda.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sh. Mukhtaar Roobow ayaa dhowaan amray in si deg deg ah loo soo amba bixiyo Xujayda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Acmaasha Xajka kuna soo guryo noqonaya guryahooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...