Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Hoggaamiyihii dalka Cumaan Suldaan Qaabuus Bin Saciid oo Geeriyooday

Suldaan Qaabuus Bin Saciid oo geeriyooday

Cumaan (Halqaran.com) – Telefishinka dowladda Cumaan ayaa Sabtidii saaka si rasmi ah ugu dhawaaqay geerida hoggaamiyihii dalkaas, Suldaan Qaabuus Bin Saciid oo 79 jir ahaa mudda dheerna la daalaa dhacayay xanuunka kaankaraha.

Qaabuus ayaa bartamihii 1979-kii afgambi aan dhiig ku daadanin xilka kagala wareegay aabihii Saciid Bin Tiimoor.

Waxaa baryihii dambe isa soo tarayay wararka sheegayay in xaaladda caafimaad ee suldaanka ay sii itaal darreeyneyso, kaddib markii uu ka soo laabtay safar caafimaad oo uu ku tagay dalka Biljimka.

Suldaanka ayaa xanuunkan la il darnaa tan iyo sanadkii 2014-kii wixii xilligaa ka dambeeyayna waxaa aad u yaraaday gole joogsigiisa ay ka soo muuqashada fagaarayaasha waaweyn ee dalka Cumaan.

Maadaama suldaanku aanu waligii guursanin wax oori ah oo aanu lahayn waraso xilkaasi ka dhaxasha ayaa qoyska uu ka dhashay waxa ay hoggaaminta dalka ku wareejiyeen ninka lagu magacaabo Haytham Bin Daariq Aala Saciid.

Suldaanka waxa uu 18-Nofembar 1940-kii ku dhashay deegaanka Dafaa,r waxa uuna ahaa suldaankii siddeedaad ee ka soo jeeda qoyska Aala Boosaciid oo uu bud dhige u ahaa Imaam Axmed Bin Saciid 1741-kii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...