Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta lagu wado in la dhaariyo

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa la filayaa Sabtida maanta ah in lagu dhaariyo Magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabad lagu qaban rabo magaalada Dhuusamareeb, ayaa lagu dhaarinayaa 83 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, kuwaasi oo shalay liiska ku soo baxay.

Xildhibaanada Galmudug ayaa waxa ay ka kooban yihiin 89 Xildhibaan, balse Guddiga farsamada waxa ay soo bandhigeen 83 Xildhibaan, waxaana dhiman lix Xildhibaan.

Odayaasha qaar Beelaha dega Galmudug ayaa si weyn u saluugsan hannaanka loo soo xulay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Ugu dambeyn, liiska Xildhibaanada ee Jimcihii shalay la shaaciyay, ayaa waxaa ku jira 20kii Xildhibaan ee Ahlu Sunna ay soo diyaariyeen, kuwaasi oo iyagana maanta la dhaarin doona.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...