Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ee Khamiistii Madaxweyne Farmaajo uu magacaabay Cumar Maxamuud Filish, ayaa la kulmay Ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahin Mahad Alle.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadi, ayaanan wali tagin xafiiska, sidoo kalena wali uusan la wareegin xilka, maadaama Khamiistii un wareegto Madaxweyne lagu magacaabay.
Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ahna Sii haya xilka Guddoomiyaha Ibraahin Mahad Alle, ayaa warbixin ka siiyay duqa Muqdisho, xaaladda shaqada iyo dadaalada horumarineed ee masuuliyiinta Gobolka ay wadaan tan iyo markii uu dhintay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.
Qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada Guddoomiye Ku xigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahin Mahad Alle, ayaa wuxuu ku faah faahiyay, waxyaabaha uu kala hadlay Duqa Muqdisho.
”Waxaa kulan soo dhawayn iyo hambalyeen ah iigu yimid oo an waqti wada qadanay Siihaayaha Xilka gudoomiyaha gobalka ahna Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo Maalyadda Gobalka Banaadir Ibraahim Mahad alla (ibraahim dheere). Guddoomiye Ibraahim Dheere ayaa waxaan ka xog wareystay hawalaha shaqo ee muhiimka ah oo ay Gobolka kaqabteen tan iyo markii uu geeriyooday Gudoomiyihii Gobalka Eng Yariisow iyo sidii aan u dar-dar galin lahayn howlaha nahoryaala” ayu yiri Guddoomiye Cumar Filish.
Ugu dambeyn, masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa hoygiisa ku booqanaayay duqa cusub ee Muqdihso Cumar Filish, tan iyo markii xilka Guddoonka Sare ee Gobolka Banaadir loo magacaabay.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com