Wednesday, April 29, 2026
29.7 C
Mogadishu

Farmaajo Maxuu Ka yiri Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho?

Muqdisho(Halqaran.com) Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf-waayay Qaraxii Maanta ka dhacay Barta Koontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada ee Isgoyska Geelgaabta ee Muqdisho.

Madaxweynaha  ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ka dhacay Muqdisho ee lagu dhibaateeyo shacabka

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne  Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan  in uu Allah hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay  Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen Gaadiid ay la socdeen Mas’uuliyiin ku socotay Xarunta Madaxtooyada.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...