Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Afhayenka Booliska oo Fahfaahiyay khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay Ceel galabta.

Muqdisho(Halqaran.com) Afhayenka  Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo barqadii Maanta ka dhacay Barta koontarool ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada ee Isgoyska Importooriyo Ceel-gaab ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyey in qaraxa loo adeegsaday gaari ay Alshabaab ka soo buuxiyeem waxyaabaha qarxa.

Sido Kale  Booliska Aya Xaqiijiyey in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen, ku dhawaad 9 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ee maanta ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay la beegsatay kolonyo ay la socdeen saraakiil katirsan dowladda, balse ma aysan sheegin inta ku dhimatay.

Waa qaraxii labaad oo 24 saac guduhood ka dhacay Caasimadda dalka Ee Muqdisho.

Weerarkan ayaa  wuxuu ku soo Aadayaa   xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan weeraro ka dhici kara magaala.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...