Fahanka Cadaaladda& Cadaalad-darrada iyo Saamaynta Xun ee ay Ku Yeelato Bulshada”

        Waa maxay Cadaalad?

Qeexida Cadaaladda halkaan Si dagan u Akriso:

Cadaalad waa mabda’a iyo nidaamka hubinaya in xaqa iyo sinaanta loo dhigo si siman oo dhammaan dadka lagu maamulo,Cadaalada Waxayna ku lug leedahay ilaalinta xuquuqda qof kasta, xaqiijinta in si siman oo aan eex lahayn loogu dhaqmo Sharciga, iyo in qof walba laga ilaaliyo dulmiga iyo caddaalad darrada. Cadaaladda waxaa sidoo kale lagu qeexi karaa inay tahay ficilada iyo hababka loo isticmaalo in lagu xaqiijiyo in dadka la siiyo wixii ay xaq u leeyihiin, iyadoo la adeegsanayo sharciyo iyo xeerar cad cad oo caddaynaya Xaqa qof kasta uu alle siiyay.

Cadaaladdu waa tiir muhiim ah oo Islaamka ka mid ah, waxaana si ballaaran looga hadlay Quraanka Kariimka ah iyo Sunnaha Nabiga (NNKH). Islaamku wuxuu cadaaladda u arkaa inay tahay tiirka nolosha oo dhan, si gaar ahna u muhiim ah in bulshada kala duwan ay ku wada noolaadaan si xasilooni leh.

Cadaalada iyo islaamka sida ay u xoojiyay:

Cadaaladdu waxay leedahay qiimo sare oo lagama maarmaan ah gudaha Diinta Islaamka, waxayna saldhig u tahay sharciyada iyo dhaqanka Islaamka. Quraanka kariimka ah iyo sunnaha Nabiga (NNKH) waxay bixiyaan tilmaamo cad oo ku saabsan cadaaladda.

Cadaaladda iyo  Quraanka Kariimka ah
Allaah (SWT) wuxuu ku amray Muslimiinta inay caddaalad sameeyaan, isagoo leh.
Quraanka Kariimka ah, Suuradda An-Nisa, Aayadda 135:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ بِالْقِسْطِ شُهَدَاءَ لِلَّهِ وَلَوْ عَلَىٰ أَنفُسِكُمْ أَوِ الْوَالِدَيْنِ وَالْأَقْرَبِينَ ۚ إِن يَكُنْ غَنِيًّا أَوْ فَقِيرًا فَاللَّهُ أَوْلَىٰ بِهِمَا ۖ فَلَا تَتَّبِعُوا الْهَوَىٰ أَنْ تَعْدِلُوا ۚ وَإِنْ تَلْوُوا أَوْ تُعْرِضُوا فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا

“Kuwa xaqa rumeeyow, noqda kuwa u taagan cadaaladda oo markhaati ka ah xaqa daraaddiis, in kastoo ay ka dhan tahay naftiinna ama waalidkiinna ama qaraabadiinna. Ha raacina hawada (naftiinna) inaad caddaalad dari ku dhacdaan.
Quraanka Kariimka ah, Suuradda Al-Ma’idah, Aayadda 8:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ

“Kuwa xaqa rumeeyow, noqda kuwa u taagan cadaaladda, markhaatiyaasha Eebbe, ha uga leexanina cadho qof cadaaladda; u caddaalad fala, taasaa u dhow dhawrsashada; Eebbana ka dhawrsada, Eebbe waa ogyahay waxaad falaysaan.”
Xadiis laga wariyay Cabdillaahi ibn Cumar:

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: “إِنَّ الْمُقْسِطِينَ عِنْدَ اللَّهِ عَلَى مَنَابِرَ مِنْ نُورٍ، الَّذِينَ يَعْدِلُونَ فِي حُكْمِهِمْ وَأَهْلِيهِمْ وَمَا وَلُوا” (صحيح مسلم، كتاب الإمارة، حديث رقم 1827)

“Nabiga (NNKH) wuxuu yiri: ‘Kuwa u caddaalad fali doona dadka, maalinta qiyaamaha waxay ku sugnaan doonaan minbarrada nuurka, kuwaas oo u caddaalad sameeyey arrimahooda, qoysaskooda, iyo kuwa ay xukumeen.'” (Saxiix Muslim, Kitaab Al-Imaara, Xadiiska 1827).

Muhiimadda Cadaaladda Islaamka:

◇Xaqdhawrka Xuquuqda Qofka.

Islaamku wuxuu si xooggan u difaaca xuquuqda asaasiga ah ee qof kasta, isagoo ku adkaynaya in cid walba ay helaan xaqooda iyada oo aan la eegin darajo, qoys, ama qabiil.

◇Ka Hortagga Dulmiga:

Islaamku wuxuu si cad u diidayaa dulmiga iyo eexda. Dulmi sameeyayaasha waxaa laga digayaa ciqaab adag maalinta qiyaamaha.

◇Isla Xisaabtan:

Islaamku wuxuu dhiirigeliyaa isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, Muslimiinta waxaa la faray inay iska ilaaliyaan wax walba oo keeni kara dulmi ama cadaalad darro.

Diinta Islaamka waxay u aragtaa cadaaladda inay tahay tiir muhiim ah oo u taagan xasiloonida iyo horumarka bulshada, iyadoo si cad ugu boorineysa Muslimiinta inay u dhaqmaan si caddaalad iyo sinnaan leh oo dhan walba.

Faa’iida-darrada Cadaalad-darrada:

1  Xasilooni Daro Bulsho:

Cadaalad-darradu waxay keentaa cadhada iyo kacdoonka bulshada. Dadka oo dareema in la dulmiyay waxay abuuri karaan gadood iyo qalalaase bulsho.

2  Hoos u Dhac Dhaqaale:

Cadaalad-darradu waxay dishaa kalsoonida ganacsiga iyo maalgashiga. Maalgashadayaasha iyo ganacsatada waxay ka cabsadaan inay maalgelin sameeyaan meelo aan caddaalad ka jirin, taasoo keenta hoos u dhac dhaqaale.

3  Kala Fogaanshaha Bulshada:

Cadaalad-darradu waxay abuuri kartaa kala fogaansho iyo nacayb dhex mara qaybaha kala duwan ee bulshada. Tani waxay keenaysaa inay adkaato in bulshadu si wadajir ah uga shaqeyso horumarka iyo xasiloonida.

4  Musuqmaasuq iyo Eex:

Meelaha aan caddaalad ka jirin waxaa ku fida musuqmaasuq iyo eex. Masuuliyiinta iyo dadka xilalka haya waxay isticmaalaan awooddooda si ay u gaaraan danahooda gaarka ah halkii ay uga shaqeyn lahaayeen danaha guud.

5  Hoos u Dhaca Tayada Adeegyada:

Cadaalad-darrada waxay saameyn xun ku yeelataa tayada adeegyada bulshada sida waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah. Dadka qaar ayaa helaya adeegyo wanaagsan, halka qaar kalena aanay helin.

6  Hoos u Dhaca Kalsoonida Dadweynaha:

Cadaalad-darradu waxay hoos u dhigtaa kalsoonida dadweynaha ay ku qabaan hay’adaha iyo nidaamka maamulka. Tani waxay keentaa in dadku ka gaabsadaan inay ka qaybqaataan hawlaha bulshada iyo siyaasadda.

7  Qaadashada Nidaamka Gacanta:

Marka cadaalad-darradu fido, dadka waxay u badnaadaan inay sharciga gacmahooda ku fuliyaan. Tani waxay keenaysaa in falal aan sharciga waafaqsanayn ay ku soo bataan bulshada.

■ Gunaanadka■

Cadaalad-darradu waxay leedahay dhibaatooyin ballaaran oo saameyn xun ku yeesha bulshada, dhaqaalaha, iyo dowladnimada. Waa lagama maarmaan in caddaalad la sameeyo si loo hubiyo in bulshada ay ku noolaato xasilooni, horumar, iyo midnimo. Islaamku wuxuu si cad u adkeeyaa muhiimadda cadaaladda, taasoo ah tiirka xasiloonida iyo horumarka bulshada.

W/Q: Abdishakur Hassan Mohamed DUULIYE