Monday, March 16, 2026
29.2 C
Mogadishu

Faah-faahin: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar

Jowhar (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ka soo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Axadda maanta ah ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle, ahna xarunta gobolka Sh/Dhexe

Waxaa la xaqiijiyay laba qof inay ku dhinten, laba kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaasi ka dhacay duleedka magaalada Jowhar, sida uu sheegay mid kamid ah mas’uuliyiinta ku sugan deegaanka.

Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa Maareeye ku-xigeenkii garoonka diyaaradaha Jowhar Mahad Muxidiin Calasow iyo askari ka tirsan ciidanka amniga, sidaasi waxaa laanta Af Soomaaliga ee VOA-da u sheegay Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee Jowhar Mukhtara Abuukar Macalin.

Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi maanta ka dhacay duleedka Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa miino lagu aasay meel u dhexeysa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere Airport iyo magaalada, waxayna qabsatay gaari ay saarnaayeen Maareeye ku-xigeenkii garoonka iyo Askar la socotay.

Si kastaba, Marar badan oo horey ayey sidaan oo kale qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac uga dhaceen duleedka Jowhar, waxaana qaraxyada qaarkood waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo gaadiid saarnaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...