Tuesday, June 23, 2026
25.4 C
Mogadishu

Faah-faahin cusub weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday Saldhiga Ciidanka Awdheegle & Wararkii ugu dambeeyay

Awdheegle (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxeysa Khasaaraha ka dhashay dagaal Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ku dhexmaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu yimid, ka gadaal markii Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee Degmada Awdheegle ay ku leeyihiin.

Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya, in dagaalkan uu ahaa mid aad u culus, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Dagaalkan ayaa la xaqiijiyay in laba ruux oo ka mid ahaa dhinacyadii dagaalamay ay halkaasi ku dhinteen, sidoo kale tiro kalena uu dhaawac soo gaaraya.

Si kastaba, saraakiisha Ciidamada dowladda waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso leh:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...