Gedo (Halqaran.com) – In ka badan 100 oo Askari oo ka tirsanaa ciidamada Darwaaiishta Jubbaland ayaa isu dhiibay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq ee gobalka Gedo.
Wararka ay haleyso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in ciidamadaan isu dhiibay Militariga Soomaaliya ay ku sugnaayeen Degmada Baledxaawo ee gobalka Gedo, waxayna toos uga amar qaadan jireen maamulka Axmed Madoobe.
Wararka gobalka Gedo ka imaanayo ayaa soo sheegaya in saraakiil Itoobiyaan ah ay wadahadal la galeen ciidamadaan, lagana dalbaday in ay tagaan Luuq oo ay isu dhibaan ciidamada Qaranka.
Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in ciidankaan ay hadda ku sugan yihiin xero ku taalo degmada luuq.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga Somaliya ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan qorshaha Ciidamadan Jubbaland ka tirsan ay isugu soo dhiibeen Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya.
DF Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf adag oo ka dhashay doorashadii Axmed Madoobe dib loogu doortay ee Kismaayo ka dhacday.
→ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso leh:⇓
- XOG + DHAGEYSO: Taliyihii watay ciidamadii weeraray caawa xarunta Barlamaanka Puntland oo ka hadlay khasaarihii & wixii dhacay.
- DEG DEG: Israsaaseyn xooggan oo Caawa ka dhacday Garoowe, & Xiisad iyo cabsi ka taagan magaalada + Khasaare
- XASAASI + AKHRI: Madaxweynaha Somaliland oo kala eryay Wakiiladii ugu badnaa Abid (Ogow Ujeedka ka dambeeya)? + War-saxaafadeed
- Faah-faahin cusub weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday Saldhiga Ciidanka Awdheegle & Wararkii ugu dambeeyay
- XOG: Waa goormee xilliga ay DF Soomaaliya qorsheysay inay bixiso shaatiga Shidaalka?
- UPDATE: Maxaa ka jira in uu hirgalay heshiiskii ay wada-gaareen Puntland iyo Imaaraadka Carabta? +XOG SUGAN
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com