XOG: Waa goormee xilliga ay DF Soomaaliya qorsheysay inay bixiso shaatiga Shidaalka?

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa Bisha soo socota ku dhawaaqeysa bixinta shatigii ugu horeeyay ee ku saabsan shaminta Shidaalka iyo Gaaska ee Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Reuters in Bisha December dowladda Soomaaliya ay wado qorshe ay ku soo bandhigayso Shatiga Shidaalka.

Shirkadaha Shidaalka ayuu sheegay in qorshaha uu yahay Somaliya inay soo jiidato, islamarkaana Somaliya fursad fiican ay u hesho soo bandhigida Khayraadka ku jira.

Waxaa kale oo uu sheegay in maclumaadka la xiriira sahankii dhawaan laga sameeyay 15-ka xirmo, laga yaabo in ay ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto.

Wuxuu intaa ku daray in halka laga helay xirmooyinka cusub ay ka fog yihiin xalka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, dacwadaas oo haatan hortaala maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Ugu dambeyn, madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay in dhawaan uu saxiixi doono sharciga shidaalka, kaas oo haatan horyaala aqalka sare ee dalka.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso leh:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com