Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

Dr. Baadiyow: ”Shirka Dib-u-Heshiisiinta Galmudug, malahan mucaarad iyo Muxaafad”

 

Cadaado (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Baadiyow ayaa ka digay in la siyaasadeeyo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Mar uu la hadlaayay Dr. Baadiyow warbaahinta, ayuu sheegay in shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uusan laheyn Mucaarad iyo Muxaafadd.

Waxa uu sheegay in safaro ay ku tageyn magaalooyinka Galmudug, islamarkaana ay halkaas kula soo kulmeen qeybaha bulshada oo diyaar u ah shirka Nabadeynta Galmudug.

‘Muddo lix maalmood ayaa safar ku aheyn deegaanada Galmudug, aad ayaa naloo soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, waana u mahad celineynaa odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada, aqoonyahanada iyo haweenka,meel kasta tabashooyin ayaa ka jiro, kuwo beelaha dhexdooda ayaa tabasho qaba, qaar maamulkii hore ayay wax ka tabanayaan, qaar amniga goobta shirka ka dhacayo..”.

Sidoo kale, Baadiyow ayaa yiri, ”waxaan ugu baaqayaa Waxgaradka, aqoonyahanada iyo siyaasiyiin, yaa la siyaasadeyn dib u heshiisiinta Galmudug, malahan Mucaarad iyo muxaafad dhammaan waa inay ka soo qeyb galaan shirkaas”.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...