Muqdisho (Halqaran.com) –Warbixin kasoo baxday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waxaa lagu taageeray hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee hoos imaanaya Cutubka VII ee howlgalka nabad -ilaalinta Soomaaliya, hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa markale diiday qorshahaas.
Dowlada faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal u dirtay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, iyada oo ku sheegtay in aysan ogoleyn in la ballaariyo Qorshaha Howlgalka AMISOM laguna daro howgalka Qaramada Midoobay ee Soomaliya.
Qoraalka Dowlada Soomaaliya oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa waxaa sicad loogu cadeeyay in Soomaaliya ay tahay Dal madax banaan, isla markaana ay muhiim tahay in la tixgeliyo Go,aanka iyo qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2568 soona baxay 2021 kaas oo ogolaanayay in Ciidamada Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.
Sido kale Waxaa xusid mudan bilihii July iyo Agosto ayaa waxaa dhowr jeer shirk ku yeeshay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho Guddi Matalayay Midowga Afrika iyo Mas’uulyiin uu kamid yahay wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha xoogga Dalka, iyaga oo ka wada hadlay qorshaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ammaanka dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan Meela badan oo kamid ah Gobolada dalka .
Halkaan Ka Akhriso:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





