Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Dowlada Ingiriiska oo kamid noqonaya Saamileyda Dekedda Magaalada Berbera

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirkadda weyn ee dekedaha Dubai ee DP World iyo wakaaladda dowladda Brtitain u qaabilsan horumarinta maaliyadda ee CDC Group ayaa Talaadadii sheegay inay qorsheynayaan inay si wadajir ah kaabayaasha saadka ee qaqaradda Africa ugu maal-galiyaan illaa $1.72 bilyan dhowrka sano ee soo socda.

Maal-gashigaan ayay ku sheegeen inay ugu horreyso casriyeynta saddex dekedood, iyada oo marka hore diiradda lagu saari doonaa ballaarinta dekadaha ay maamusho DP World ee kala ah Ain Sokhna ee dalka Masar, dekada Dakar ee dalka Senegal iyo dekdada Berbera ee Somaliland, sida ay sheegtay CDC.

DP Word oo ay dawladdu leedahay ayay ka go’antahay inay maal-geliso $1 bilyan sannadaha soo socda, halka CDC ay ballan-qaadday $320 milyan oo ay suuragal tahay inay ku darto illaa $ 400 milyan oo maal-galin kale ah.

Maal-gashiga wadajirka ah ayaa aakhirka lagu ballaarin doonaa dalalka kale ee Afrika, taas oo ay rajaynayaan DP World iyo CDC inay dardargelin doonto ganacsiga gudaha iyo dibedda ee qaaradda.

“Waxaan leenahay aragti isku mid ah inaga iyo DP World, taas oo ah inaan doonayno inaan maal-gashi ku sameyno dekado badan oo qaaradda oo dhan ah intii suurtagal ah,” ayuu Madaxa CDC Tenbite Ermias u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Iskaashiga labadan shirkadood ayaa sidoo kale qorshayna inay maal-galiyaan, kaabayaasha dhaqaalaha, sida kaydka konteenarada iyo saldhigyada xarumaha ganacsiga.

CDC ayaa yeelan doonta saamiga wax ka yar kalabar saddexdan dekedood, sida uu sheegay Ermias, iyada oo DP World ay ku wareejinayso saamiyada dekadahaas.

Ballaarinta saddexdan dekedood ayaa sida ay sheegtay CDC, waxay hagaajin doontaa helitaanka badeecadaha muhiimka u ah 35 milyan oo qof, oo ay ku jiraan waddamada deriska ah, iyagoo sidoo kale abuuri doona 5 milyan oo shaqo, isla markaagana ay $51 bilyan ku dari doonaan ganacsiga guud marka la gaaro sanadka 2035.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...