Dowlad goboleedyada Dalka oo eedeyn u jeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya (Maxay tahay Sababta?)

Baydhabo(Halqaran.com) –Wasaaradaha gargaarka ee maamul goboleedyada  Dalka ayaa ugu baaqay dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya in la fasaxo deeqaha loogu talogalay wax ka qabashada abaaraha.

Kadib kulamo saddex maalmood ah oo wasiirrada wasaaradaha bani’aadminnimo ay ku yeesheen magaalada Baydhaba ayey ka codsadeen dawladda federaalka in lasoo fasaxo lacag dhan $9.6 milyan oo dollar oo dawladda Imaaraadka Carabtu ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com