Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

Ciidamada DFS iyo Dadka Deegaanka oo dagaal kula Wareegay Deegaano Hoose yimaado Maxaas.

Maxaas (Halqaran.com) –Ciidanka dowladda federalka iyo kuwa Macawisleyda oo howlgallada ka wada gobolka Hiiraan ayaa maanta la wareegay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee Koonfurta gobolka Hiiraan, waxaana deegaanka gaaraya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiin ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Al-shabaab iyo ciidanka huwanta ah ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaanka Goobo oo hoos taga Maxaas, waxaana ugu dambeyn ciidanka u suurtogashay in ay la wareegaan deegaanka, gobolka Hiiraan sidoo kale ciidanka ayaa la wareegay Fiidoow oo ka tirsan gobolka oo muddo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27 aad ee ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed  G/Sare Maxamuud xasan ibraahim baakaay, gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan, xildhibaan C/qaadir Abuukar dhagaweyne iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray Degaanka Goobo  oo ciidanku ay la wareegeen.

Gobolka Hiiraan iyo degaanno badan oo katirsan gobollada dalka waxa ka soconay howlgallo  ka dhan ah Al-shabaab iyadoo ciidanka dowladda iyo macawisleyda ay kula wareegeen deegaanno badan oo dhaca Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, iyadoo howlgalka uu hoggaaminayo guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...