Friday, November 7, 2025
27.9 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo war deg-deg ah ka soo saartay dhallinyaradii lagu laayay deegaanka Gololey

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe, oo lagu laayay 9 ruux oo shacab ah.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay Xasuuqa Shacabka.

Sidoo kale, dowladda ayaa amartay in kiiskaan baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

Dhalinyaradaan la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey, isla markaana shalay rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen, isla markaana Khamiista maanta ah meydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay.

Dhalinyarada meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhalinyaro ah oo caanka ahaa degmada Balcad, kuwaas oo lagu kala Magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.

Allaha u Naxariisto, Waa Meydadka 9-kii dhallinyaro ee lagu laayay deegaanka Gololeey ee duleedka Balcad

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...