Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

DF Somaliya oo la wareegtay hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha & dhaqanka dalalka Carabta +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha iyo Dhaqanka dalalka Carabta oo ay ugu danbaysay guddoominteeda 37 sano ka hor.

Wasiiru Dowlaha ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka & Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle oo guddoomiyey Madasha 25-aad ee Wasiirrada Waxbarashada Carabta ee ku mideysan Ururka (ALECSO) ayaa tilmaamay qiimaha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u leedahay in ay guddoomiyaan madashan mar kale, kaddiib Meeratadii Todobaad oo Soomaaliya ay guddoomisay Sanadkii 1983dii.

Wasiir Cabdirixmaan ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalalka Carabta koboca waxbrashada dalkeenna, fursadaha jira iyo dadaallada wax ku oolka ah ee Dowladdu ay dib ugu soo nooleysay Waxbarashada, taas oo ay ka mid tahay asteynta Manhaj mideysan, dib u dhiska xarummo waxbarasho iyo soo celinta waxbarashadii dedweynaha ee lacag la’aanta ah.

“Tallaabooyinka aan u qaadnay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalkayaga waa kuwo mudan garab istaagga iyo bogaadin, iyada oo aan si xooggan isula jaanqaadnay Ururka Carabta ee Waxbrashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee (ALECSO) oo gacan weyn ka geysanaysa qabsoomidda Shirka Taageerayaasha Waxbarashada Soomaaliya oo ay marti galineyso Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuweyt.”

Dhankooda, Wasiirrada dalalka Carabta ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya Guddoominta Meertadan 25-aad ee kulammada heer Wasiir ee (ALECSO) iyaga oo u rajeeyey in ay horseeddo guulaha la rajeynayo ee horumarinta, isku xirka iyo iskaashiga dhanka Waxbarashada dalalka Carabta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...