Monday, April 20, 2026
28.4 C
Mogadishu

DF Somaliya oo heshiis dhex-dhigtay laba beelood oo ku dagaallamay Sh/Hoose

Muqdisho (Halqaran.com) – Laba ka mid ah beelaha degga Gobolka Shabellaha Hoose ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii maanta heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Muqdisho.

Labadan beelood ayaa waxay ku dagaalameen Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaano hoos-tagga Degmada Afgooye, waxaana muddooyinkii dambe Muqdisho ka socday dadaalo lagu heshiisiinayo.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa la soo geba-gabeeyay kulamadii dib u heshiisiinta ee ka socday Magaalada Muqdisho, waxayna waxgaradka labada beelood wada saxiixeen heshiiskan oo dhawr qodob ka kooban.

Qodobada ay labada beelood ku heshiiyeen ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Maxamuud Maxamed Axmed.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan (Cali Ganey) ayaa waxaa uu labada beelood ugu baaqay inay adkeeyan heshiiska dhaxalgalka ah, ee ay wada gaareen.

Xildhibaan Cali Ganey ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku ammaanay, sida wanaagsan ee uu uga shaqeeyay in labadaan beelood ay wada heshiiyan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...