Monday, April 20, 2026
28.4 C
Mogadishu

Danjire Guulwade oo laga aqbalay is-casilaadiisa xubinnimada guddiga wada-hadallada DF Somaliya iyo Somaliland

Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.

Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...