Sunday, April 19, 2026
28.7 C
Mogadishu

Muqdisho: RW Kheyre iyo Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo kulmay +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa Arbacadii maanta kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya.

Tibor P. Nagy oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, waxuuna dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Dowladda federaalka Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...