Dagaalyanno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu Dilay gobolka Baay iyo Xaaladdda deegaanka oo..

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed

Baydhabo (Halqaran.com) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa lix ka tirsan maleeshiyaadka  Al-Shabaab ku dilay deegaanka Deynuunaay oo qiyaastii 25 km dhanka koofureed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay idacadda ku hadasha afka ciidamada ayaa xaqiijiyay dilka lixda dagaalyahan iyo dhaawaca kuwo kale.

Dilka maleeshiyaadkan ayaa yimid, kaddib markii ay Sabtidii shalay weerar kusoo qaadeen saldhig ay ciidamadu halkaa ku lahaayeen, ayna la kulmeen iska caabbin xooggan.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in dagaalka oo aad u kululaa ay ciidamadu adeegsadeen farsamooyin millatari oo suura galisay in ciidamdu ay difaacdaan fariisinkooda ayna ka adkaadaan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya, in askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku geeriyooday weerarkaas ay Shabaabku soo qaadeen,  kuwa kalena uu soo gaaray dhaawac.

Xafiiska Halqaran.com, Baydhabo
Halqarannews@gmail.com