
Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Shaqa joojin ku sameeyay agaasimaha guud ee Wasaaradaas, una magacaabay Agaasime kale oo kumeel gaar ah.
Warqad ka soo baxday Wasiirka Amniga Soomaaliya, kuna taariikheysan 17/8/2019 ayaa lagu sheegay in Shaqadii laga joojiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed, isla markaana si KMG ah xilkaas loogu wareejiyay Axmed Cabdi Kooshin.
Wasiirka ayaa warqada ka soo baxday ku sheegay, in uu tixgeliyay ahmiyada agaasimaha guud u leedahay dhismaha iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda Amniga hortaalla iyo go’aankii Golaha wasiirada ku baabi’iyeen Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda.
Haddaba hoos ka akhariso warqadda Wasiirka:
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com