Friday, June 19, 2026
25.6 C
Mogadishu

Dagaal Khasaare geystay oo maanta ka dhacay Ex-Kontrool Afgooye & Khasaare ka dhashay

Afgooye (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xerada Asluubta iyo Agagaarka Ex Control Afgooye ayaa waxay ay sheegayaan, in uu halkaasi ka dhacay dagaal khasaare geystay.

Dagaalkaan ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo Ciidanka Asluubta ee Xeradaasi ku sugan.

Rasaas culus ayaa la isku adeegsaday dagaalka oo si toos ah u socday, waxaana wararka ay sheegayaan inuu jiro Khasaare.

Wararka ayaa sheegaya in laba askari oo ka tirsan ciidamada booliska Haramcad ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi, iyadoona sidoo kale la xaqiijiyay in dhaawacyo kale ay jiraan.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegaya in uu soo gaaray gurmad kala duwan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...